Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Video: Al-Jazeera oo Gudaha Mugashay Muqdisho & Barnamij Xaaska R- Saacid

Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi ayaa waxaa ay ka mid tahay haweenka kaalinta koowaad uga jira wax u qabashada dumarka iyo carurta. Waxaana tan iyo  markii uu dalka ka dhacay dagaalka sokeeye ay ka shaqeyneysay sidii haween iyo caruur loo daryeeli lahaa.

Xildhibaanad Caasho Xaaji ayaa kadib dagaalkii lagu riday dowladii Maxamed Siyaad Barre waxay u qaxday dalka Kenya halkaasi oo ay ka  bilowday nolosha qoyskeeda iyo xitaa sidii ay wax ugu qaban laheyd dadka uu daadashay dagaalka sokeeye.

Caasho Xaajii waxay aasaastay ururka SSWC kaasi oo xarumo ku kala leh Muqdisho iyo Nairobi. Waxaana ururkaasi la wada maamulkiisa walaasheed Aamina Xaaji Cilmi.

RIIX HALKAN: SI AAD MUUQAALKA WARBIXINTA UDAAWATO

TV-ga Al-jazeera ayaa barnaamij ku saabsan waxqabadka Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi ka sameeyey. Waxaana barnaamijkan kasoo bilaabanayaa xaafada ay ka degan tahay Nairobi halkaasi oo muuqaalka laga dhex arkayo Ra’iisul wasaare Saacid Farax Garaad oo ah seygeeda iyo carurta ay isku dhaleen.

Inta aad muuqaalka daawaneyso waxaad ku arkeysaa iyaddoo socdaal ku tageysa xarumaha ay ku caawiyaan haweynka la kufsaday iyo xitaa soomaalida kusoo barakacday abaarihii ku dhuftay dhulka Soomaalida gaar ahaan koonfurta oo ay ugu daran yihiin gobollada Bay iyo Bakool.

Muuqaalka ugu naxdinta badan ayaa waxa uu yahay marka ay la kulanto ilmo yar oo aabaheed la dilay, halka hooyadeedna ay ku dhimatay abaarihii ba’naa ee dalka ka dhacay. Waxaana gabadhaasi oo kali ah ay hadda ku jiraa mid ka mid ah xeryaha barakacayaasha.

Caasho ayaa inta barnaamijka laga diyaariyo uu socday waxay sidoo kale ay la kulmeysaa Haweyney Soomaaliyeed taasi oo lagu hor kufsaday ilmo ay dhashay ,taasi oo ay Caasho ay ku tilmaamtay danbi kale oo weyn oo laga galay ilmahaasi iyo hooyadoodba.

Dhinaca kale waxaa Caasho Xaaji Cilmi ay lugta soo marineysaa iyadoo waliba ka murugeysan jaamacadii ay ka qallin-jabisay ee Gaheyr oo maanta xarun barakacayaal ah. Iyadoona sheegtay inaysan walikeed ku riyoon inay maalin muuqaalkan ku arki doonto meesha ay aqoonteeda kusoo af xirtay.

Barnaamijka dhamaadkiisa ayaa Caasho iyo Aamina oo ah laba gabdhood oo wada dhashay hadana kuwa jira howlaha lagu caawinayo haweenka iyo carurta Soomaaliyeed ayaa booqday golaha murtida iyo madadaalada Soomaaliya ee Muqdisho. Goobtaasi oo uu ka dhacay qarax maalin madow u noqday shacabka Soomaaliyeed oo xasuus ku leh ayaa haddana labadooda waxaa si gaar ah u taabaneyey walaalkood allaha u naxariistee Feysal Xaaji Cilmi oo qaraxaasi uu galaaftay.

Hadaba barnaamijka oo afka English-ka ku baxaya ayaan hordhacan idin ka sameynay si aad u fahamtaan waxa uu ka hadlayo.

Bahda Kalshaale.com waxaa ay Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi iyo Aamina Xaaji Cilmi u dirayaan hambalyo dadaalkooda ku aadan. Waxaana alle ugu baryeynaa inuu la garabgalo howsha dowlada looga fadhiyey oo ay in badan soo wadeen.

caasha


Shabakada Warsidaha Kalshaale.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Soomaliya iyo Caalamka

kalshaale.com@gmail.com

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (2)

  1. Fatima says:

    HAMBALYO WEYN AYAAN UDIRAYAA XILDHIBAAN CAASHO IYO AMINA ILAAHEY AJAR UYO XASANAAD HA IDINKA SIIYO. HALKAA WAXAA KALOO IIGA MUUQATEY IN XILDHIBAANADA IYO GURIGEEDA KA AHAYD AABO IYO HOOYO, ILEEN SAACID FADHIID GURIGAA WAXBA KA MA QABAN. EEDO MACAAN XAAL WAA IN DAAROOD KU SIIYAA. JASAAKULAAH QAYR.

  2. gabar Hawiye says:

    Masha alah ilaaheey hanoodaayo walasheen caasho waxan kaleeyahay ilaaheey ajar iyo xasanad hakasiiyo Shaqdad dadkaga u qabatay iyo taad hada u haasid baa guuleeso walagaa ilaheey hanookadayo waa dadashay abaayo macaanto hadana siiwad dadalkaga ilaaheey hakulagarabgano asc




MADAXWAYNAHA BURUNDI Video: Madaxweynaha Burundi oo halmar MUQDISHO Lagu Arkay “Maxaa dhacay ?
- Apr 22, 2014
Muqdisho (Kalshaale.com) Madaxweynaha Dawalada soomaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta soo dhoweeyey Madaxweynaha dalka ...
yaabka Video: Somali badan oo ilmaysay kadib Muuqaal Naxdin & Murugo Xambarsan
- Apr 22, 2014
Muqdisho (Kalshaale.com) Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalka  Xambaarsa Murugo iyo Naxdin  kaasi Loogu ...
MADAXWAYNE War Yaableh: Xildhiban kale oo maanta Lagu dilay Muqdisho & Sir culus (Maqal)
- Apr 22, 2014
Muqdisho (Kalshaale.com) Wararkii ugu dambeeyey ee nasoo gaaraya ayaa waxay sheegayaan in Xildhibaan C/casiis Isaaq ...
xaaji cabdi waraabe Video: Xiisad Hargeisa ka tagan Jaamac Garaad Ismaaciil & Walaalkii, Odayashii Isaaq oo dhex galay Iyo Ceebta (Daawo)
- Apr 22, 2014
Hargeisa (Kalshaale.com) Meel lagaa jecel yahay hadaad ka tagto waxaad la kulantaa waxaan ku ...
DAAWO CIIDANKA Deg deg Ah: S/land oo Beenisay Ciidankii Isku dhiibay maamulka P/land, Cadaynta Muuqaal-Laga Duubay ! (Maxay Wataan)
- Apr 22, 2014
Garoowe (Kalshaale.com) Maamulka Somaliland ayaa beeniyay war ka soo baxay maamulka Puntland, kaasoo ahaa in ...
HODAN Daawo: Hodan C/raxmaan oo Laga daba Dhacay markay ku heestay xijaab (Video)
- Apr 22, 2014
Muqdisho (Kalshaale.com) Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa muuqaalka Heesta Xijaab Iyo Codkii Fanaanada  Hodan Cabdiraxmaan ...